Puntland oo sheegtay in bisha February la toogan doono raggii kufsaday Caa'isha Ilyaas

Puntland ayaa waxay shaaca ka qaaday in bisha soo socota ee February la toogan doono raggii loo xukumay inay ka masuulka ahaayeen kufsigii iyo dilkii Caa'isha Ilyaas Aadan.

Caa'isha Ilyaas oo 12 jir ahayd ayaa waxaa bishii February ee sanadkii 2019 lagu kufsaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoona kufsiga ka dib la dilay.

Maxkamadaha kala duwan ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday saddex nin oo dhalinyaro ah, kuwaa oo lagu helay inay falkaasi gaysteen.

Maxamuud Xasan Aw Cismaan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa maanta sheegay in raggaasi la toogan doono 11-ka bisha February, iyadoo lagu toogan doono fagaare ku yaala Magaalada Boosaaso, saacadda marka ay tahay 8:00am (Subaxnimo).

Kufsiga Caa'isha Ilyaas loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo ayaa kiciyay dareenka shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba, waxaana magaalooyinka dalka qaarkood ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeeday falkaasi.

Qoyska iyo ehelada Caa'isha Ilyaas ayaa waxay iska diideen inay qoysaska saddexdaasi nin ee kufsiga gaystay kala xaalaan wixii dhacay, waxayna taasi bedelkeeda dalbadeen in loo qisaaso.

Faallooyin