Ciidamada Booliska oo tiro dhalinyaro ah ka soo xiray Degmada Boondheere

Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa xalay hawlgal dhalinyaro badan lagu soo qab qabtay ka sameeyay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska ayaa xalay gudaha u galay inta badan xaafadaha Degmada Boondheere, xilli ay wadooyinka qaarkood ku jareen gaadiidka dagaalka, oo ay wateen.

Ciidamada ayaa la soo sheegaya in ay dhalinyaro badan ka qab qabteen wadooyinka xaafadaha Degmada Boondheere. Intii uu hawlgalku socday ayay dhalinyaro kale kala soo baxeen guryahooda.

Ciidamada oo dhalinyaradaaso goob qura isugu geeyay ayaa isku shaandhayn ku sameeyay, iyadoo dhalinyarada la weydiinayay su'aalo amniga la xiriira.

Saxafiyiinta Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in Ciidamada Booliska ay dib xoriyadooda u siiyeen inta badan dhalinyaradaasi, halka ay horey u kaxeysteen tiro yar oo dhalinyaro ah.

Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wax faah faahin ah ka bixin hawlgalka dhalinyaradaasi lagu soo xiray ee laga sameeyay Degmada Boondheere.

Faallooyin