Ra'iisul Wasaare Khayre oo la kulmay James Swan (SAWIRRO)

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Labada dhinac ayaa waxay Sabtidii ka wada hadleen Doorashooyinka Qaranka ee lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020/2021 iyo sidii ay dunida Somaliya uga caawin laheyd, sidii ay ku gaari laheyd yoolka uu dalka hiigsanayso.

Wararka ayaa sheegaya in James Swan uu Ra'iisal Wasaare Khayre kala hadlay inaanay doorashooyinka ka dib dhicin waqtigooda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra'iisal Wasaare Khayre uu James Swan u cadeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay inay doorashooyinka ku dhacaan xilligooda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dalka ka waday kulamo ay Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ugala hadlayen arrimaha doorashooyinka.

Faallooyin