Golaha Aqalka Sare oo bilaabay doodaha Sharciga Doorashooyinka (SAWIRRO)

Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa markii ugu horeysay dood ka yeeshay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo 28-kii bishii December uu meelmariyay Golaha Shacabka.

Ajandaha kulankii ay maanta Senatorada Golaha Aqalka Sare ku yeesheen Magaalada Muqdisho oo ahaa akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa shir guddoominayay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Aqalka Sare ayaa Senatorada ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka. Sidoo kale Senatorada ayaa waxaa loo qaybiyay waraaqo ay ku qoran yihiin qoraalo uu guddiga ka soo sameeyay arrimaha doorashooyinka.

Doodda Senatorada ka dib waxaa uu Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare uu sheegay in Hindise Sharciyeedka lagu wareejin doono Guddiga Sharciga Doorashooyinka ee Aqalka Sare, si ay uga soo baraan-deggaan Hinise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Senatorada Golaha Shacabka oo maalmaha soo socdo sii wadi doono doodaha ay ka yeelanayan Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu dambeen lagu wadaa inay ansixiyan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo gudbin doonnaa Sharciga Doorashooyinka Qaranka, marka uu ka soo gudbo Golaha Aqalka Sare, si uu qalinka ugu duugo.

Faallooyin