Xildhibaanada cusub Galmudug oo doortay shir guddoon (SAWIRRO)

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta doorteen shir guddoon, kaasoo loo doortay shakhsiga ugu da'da weyn ee Baarlamaanka.

Waxaa galabta Magaalada Dhuusamareeb lagu dhaariyay 72 mudane, oo ka mid ah 83-kii Xildhibaan ee shalay magacyadooda looga dhawaaqay Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shir guddoonka ayaa wuxuu qaban qaabin doonnaa kulamada Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada ay maalmaha soo socda iska soo dhex dooran doonaan guddi qaban qaabiya doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kugeenkiisa.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa intaasi ka dib sii wadi doono kulamada Baarlamaanka, illaa iyo inta ay Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ka soo dooranayan Madaxweynaha xigga.

Dhanka kale Odayaasaha Dhaqanka ee beelaha Galmudug qaarkood ayaa waxay maanta Magaalada Dhuusamareeb ka sheegeen in la musuq maasuqay kuraastii ay beelahooda ku lahaayen Baarlamaanka.

Sidoo kale haweenka reer Galmudug ayaa qaadacay Xildhibaanada cusub ee lagu dhaariyay Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii ay sheegeen in la musuq maasuqay qoondadii haweenka, ee ahayd in Baarlamaanka laga siiyo boqolkiiba soddon.

Dhismaha Galmudug ayaa waxaa wiiqay khilaaf xoogan, kaasoo marba weji lahaa.

Faallooyin