R/Wasaare Khayre oo u amba baxay Dalka Qatar

Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa wuxuu maanta u amba baxay dalka Qatar, waana safarkiisii afaraad oo uu ku taggo dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Doha ee uga qaybgalaya shirka Madasha Doha.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay Caasimadda Qatar.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah Dowladaha caalamka iyo hay’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Madasha Doha ka qaybgalay sanadihii 2018 iy0 2017, safarkiisii ugu dambeeyay ee Doha uu ku tagana waa kii uu bishii hore ku tagey.

Khayre ayaa inta uu jooggo Doha waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa Madaxda Qatar iyo qaar ka mid ah Madaxda kale ee ka qaybgalaysa Madasha Doha.

Faallooyin