Dagaal-yahanada Shabaab oo weerar ballaaran ku qaaday Xerada Hiilweyne

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ayaa waxay caawa weerar culus ku qaadeen Xerada Hiilweyne, oo ku taala inta u dhaxeyso Degmada Balcad iyo Magaalada Muqdisho.

Dagaal-yahanada Al Shabaab oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubeysan ayaa waxaa la soo sheegaya in dhawr jiho ay ka weerareen Xerada Hiilweyne, oo ay degan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in halka uu dagaalku ka socdo iyo deegaanada ka baxsanba laga maqlayo hubka culus, ee ay labada dhinac dagaalka isu adeegsanayan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay qaarkood gudaha u galeen Xerada Hiilweyne, inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta arrintaasi.

Wariye-yaasha ayaa waxay soo sheegayan in weerarkan uu noqonayo kiisii ugu xooganaa, oo Shabaabku ku qaadaan Xerada Hiilweyne, tan iyo markii halkaasi laga saaray muddo toddobo sano laga jooggo.

Faallooyin