Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiirka Warfaafinta Somaliya

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa qoraal uu soo saaray lala wadaagay Wasiirka Warfaafinta Somaliya, si uu uga jawaabo su'aalaha ay qabaan kow iyo toban ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa kale, lana xiriira shaqada Wasaaradda Warfaafinta.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiir Maareeye laga doonayo in maalinta Axada ee soo socota, taariikhduna ku beegan tahay shan iyo tobanka December uu horyimaado Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa waxay doonayaan inay Wasiir Maareeye wax ka weydiiyaan shaqada Warbaahinta Qaranka, oo si gaar ah loogu adeego sida ay sheegeen Madaxda Dowladda oo qura.

Faallooyin