Dowladda Somaliya oo heshiis dhex dhigtay beelo ku dagaalamay G/shabellaha Hoose

Dowladda Somaliya ayaa waxay heshiis rasmi ah dhex dhigtay laba beelood oo ku wada dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose.

Kulamo dib u heshiisiin beelahaan loogu samaynaayay oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee maanta la soo geba-gabeeyay, iyadoo waxgaradka beelahuna ay heshiiska wada saxiixeen.

Qodobada ay labada beelood ku heshiiyeen ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Maxamuud Maxamed Axmed.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan (Cali Ganey) ayaa waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku ammaanay in uu juhdi ku bixiyay, sidii ay beelahaan u wad heshiin lahaayen.

Labada beelood ee heshiiska wada gaaray ayaa ku dagaalamay Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose qaarkood, gaar ahaan deegaano hoos-tagga Degmada Afgooye.

Faallooyin