Nin oday ahaa oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Nin oday ahaa ayaa waxaa goor dhow lagu dhex dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha, ka dib markii ay toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Laba nin oo dhalinyaro ahaa ayaa waxay ninka odayga ku toogteen meel ku dhow Suuqa Dawada ee Bakaaraha, xilli mashquul uu halkaasi ka jiray.

Goobjooge ayaa sheegay in labadaasi nin ay goobta ka baxsadeen, wax daqiiqad ka yar, ka dib markii ay qaarka sare ee jirkiisa ka toogteen ninka odayga ah.

Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Suuqa Bakaaraha oo ku baxay halka uu falka ka dhacay ayaa waxay wadaan baaritaan ku aadan kuwii dilka gaystay.

Dhanka kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa uu ahaa odayga la dilay. Wararka qaar waxay sheegayan in uu ka mid ahaa dalaaleyda guryaha iyo dhulalka, halka warar kalena ay sheegayan in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada soo dooratay.

Faallooyin