Wasiir Cawad oo hoygiisa ku qaabilay Safiirka Emirate-ka Carabta (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu maanta la kulmay Safiirka Emirate-ka Carabta ee u fadhiya dalka, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Wasiirka ayaa wuxuu Safiirka ku qaabilay hoygiisa Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dalka, horumarinta iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladood.

Kulankan ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari ay Dowladda Somaliya ugu baaqeen inay ka hadasho fara-gelin ay sheegeen inay Emirate-ka Carabta ku hayso.

Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa waxay ka horyimaadeen heshiiska ay Puntland la gashay shirkado laga leeyahay dalkaasi, oo lagu wareejiyay Dekeda iyo Garoonka Boosaaso.





Faallooyin