Xildhibaano kulan uga qaybgalay Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay maanta kulan uga qaybgaleen Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii haweenka Galmudug uga qayb qaadan lahaayen dhismaha maamulka cusub ee lagu wado in dadka deegaanka loo soo dhiso.

Haweenka Galmdudug ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeysay ay dalbanayeen sidii kooto go'an looga siin lahaa Baarlamaanka Galmudug, ayna uga dhex muuqan lahaayen Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada kulankan ka qaybgalay ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka Haweenka ee Baarlamaanka Somaliya, kuwaa oo Talaadadii gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanadan ayaa waxay Magaalada Dhuusamareeb u taggeen arrimo la xiriira Doorashooyinka Galmudug.

Daba-yaaqada bishan ayaa waxay Dowladda Federaalka Somaliya qorsheynaysaa in la qabto Doorashada Madaxtinimada Galmudug.






Faallooyin