Shariifka oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya (SAWIRRO)

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa wuxuu maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Xalane ayaa waxay labada dhinac uga wada hadleen arrimaha ku aadan Doorashooyinka Dalka, ee lagu wado inay qabsoomaan 2020/2021.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo kulanka ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa wakiilka kala hadlay, sidii loo heli lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo la isla ogolyahay, wada hadalo dhab ah oo dhexmara saamileyda siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Maamul Goboleedyada, Xisbiyada, Dowladda Federaalka iyo joojinta fara-gelinta Ciidanka Itoobiya ee arrimaha Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya oo toddobaadkan la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya ayaa kala hadlay Doorashooyinka Dalka iyo inay ku qabsoomaan waqtigooda, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay marar badan dhaliileen Siyaasadda Dowladda Federaalka, iyagoona ka digay in dib loo dhigo waqtiga loogu talagalay Doorashooyinka Dalka.




Faallooyin