Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay askarigii dilka ka gaystay Dhuusamareeb

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo maanta dhageysatay dacwad ciqaabeed loo haystay eedeysane Dable Xoogga , Cabdiwaaxid Axmed Faarax oo Talaadadii Magaalada Dhuusamareeb ku dilay Allaha u naxariistee saddex xarigle Xoogga Dalka, Maxamuud Saciid Ugaas Nuur oo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha qaybta 21aad.

Maxkamada oo dhageysatey baarista xafiiska xeer ilaalinta iyo qiraalka eedeysanaha, sidoo kalena dhageysatey, marqaatiyaasha ku sugnaa goobta falku ka dhacey ayaa dembiile Cabdiwaaxid Axmed Faarax ku xukuntay dil toogasho ah, oo noqonaya qisaasta marxuumka.

CabdiWaaxid Ahmed Faarax ayaa falkaan dilka ah gaystay 3dii bishan December ka gaystay Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Faallooyin