Dhuusamareeb oo ay ka bilaabatay xaraynta Odayaasha Dhaqanka (SAWIRRO)

Waxaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ka bilaabatay xaraynta Odayaasaha Dhaqanka ee lagu wado inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug ayaa waxay Odayaasha Dhaqanka dejinayan goobo ay ugu talagaleen inay ka daggaan Magaalada Dhuusamareeb, mudada ay ku hawlan yihiin soo xulista Xildhibaanada.

Cabdinaasir Geelle Cilmi, Guddoomiyha Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug oo la hadlay tiro yar oo ka mid ah saxiixe-yaashii Galmudug ayaa wuxuu ugu baaqay inay si cadaalad ah ku soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga ayaa wuxuu sheegay in ay wadi doonaan xaraynta Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo intooda badan weli ka maqan Magaalada Dhuusamareeb.

Maalintii Sabtida oo lagu waday in la bilaabo xaraynta Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana xilligaasi suuqa soo galay warar sheegaya in muddo toddobaad ah dib loo dhigay xaraynta saxiixe-yaashii Galmudug.








Faallooyin