Odayaal gaaray Dhuusamareeb oo sheegay inay Ahlu Sunna la kulmayaan (SAWIRRO)

Odayaal Dhaqameedyo ka mid ah saxiixe-yaashii Galmudug ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Guddiga Farsamada iyo Dhismaha Galmudug iyo qaybaha bulshada qaarkood ayaa waxay Odayaashan ku soo dhaweeyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhaqanka oo qaarkood Warbaahinta la hadlay ayaa waxay sheegeen inay la kulmi doonaan Masuuliyiinta Ahlu Sunada Galmudug, si ay ugala hadlaan khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Odayaashan ayaa waxay ballanqaadeen inay ka shaqayn doonaan, sdii la isugu soo dhawayn lahaa Dowladda Federaalka iyo Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Ahlu Sunada Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa waxay ku kala qaybsamayn dhismaha maamulka cusub ee Galmudug, ka dib markii ay Ahlu Sunna sheegtay inaysan dowladda fulinin qodobadii ay ku heshiiyeen bartamihii sanadkan.




Faallooyin