Ciidanka Xoogga Dalka oo soo geba-gabeeyay hawlgalkii duleedka Baardheere

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay saddex maalmood ka dib ay soo geba-gabeeyeen hawlgalkii ballaarnaa, ee ay ka wadeen duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa horaantii toddobaadkan ku dhaqaaqay maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab oo deegaanka Daar Macalin ku uruurinaayay xoolo ay ka qaateen dadka deegaanka.

Korneyl Cismaan Sheekh Cabdi, Abaanduulaha Guutada 10aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wuxuu maanta ku dhawaaqay inay afjareen hawlgalkii saddexda maalmood qaatay, ee ay kula dagaalamayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Abaanduulaha ayaa wuxuu sheegay intii uu hawlgalku socday inay ku dileen 14 ka mid ah maleeshiyada Shabaab, sidoo kalena ay ku gubeen gaadiid dagaal, halka saanad hub ahna ay kaga soo furteen.

Abaanduulaha oo warbaahinta ka soo muuqday ayaa wuxuu tilmaamay xubnaha ay ka dileen Shabaabka inay isugu jiraan Saraakiil iyo maleeshiyaadba ah, sida uu yiri.

Korneyl Cismaan Sheekh Cabdi ayaa wuxuu ugu dambeen sheegay inay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab, si ay u soo afjaraan dhibaatada ay shacabka ku hayaan.

Faallooyin