Gudoomiye-yaal loo magacaabay Degmooyinka Shangaani iyo Waaberi

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu laba Gudoomiye u soo kala magacaabay Degmooyinka Waaberi iyo Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa wuxuu Aweys Camuudi u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Degmada Shangaani.

Aweys Camuudi ayaa wuxuu bedelayaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Shangaani, Sahran Markeyzi oo ku geeriyootay qaraxii 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu Cabdicasiis Cismaan Jaamac u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Waaberi.

Cabdicasiis Cismaan ayaa wuxuu xilkan qabanayaa, ka dib markii Gudoomiyihii hore ee Degmada Waaberi, Mahad Cilmi uu ka mid noqday dadkii ku dhintay qaraxii Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay.

Faallooyin