Khayre oo Muqdisho ka furay shirweynaha qaran ee dhalinyarada (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta daah furay shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mudnaan siinta dhalinyarada oo laf dhabar u ah horumarka bulshadda iyo ilaalinta Qaranimada.

Shirweynaha saddaxaad ee dhallinyarada ee uu Ra’iiusl Wasaaruhu daah-furay ayaa soconaya December 01-04, 2019.

Wuxuuna shirkani halkudhiggiisu yahay “Milkiilayaasha Dalku ma oggola musuq maasuq iyo xagjirnimo.”

Waxaana sidoo kale looga hadlayaa la dagaallanka musuq maasuqa, xagjirnimada iyo Ka qeyb galka dhallinyarada ee arrimaha Siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dagaalka Argagaxisada lagula jira iyo fikirka xagjirnimada maadaama aysan ogolayn horumarka Dalka, ilaalinta Qarannimada.

Wuxuuna tusaale u soo qaatay in dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay Argagaxisadu soo weerartay in ka badan 10 jeer si ay uga hor tagto horumarka la hiigsanayo.

Xasan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha hoggaamisa ee u taagan ilaalinta nafta iyo maalka Umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inta uu dalka musuq ka jiro aan caddaaladi jiri karin, kala dambeen iyo dowlad xoog leh aan la helayn, argagixisana laga adkaado, ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dowladnimada, qaybtoodana ay ka qaataan dagaalka lagula jiro musuqa.

Wuxuuna ugu dambeen ugu baaqay dhalinyarada in ay is-weydiin meesha hadda la jooga, jihada loo socdo iyo wadada loo marayo si loo gaaro horumarka la hiigsanayo, dhaxal wanaagsanna loo helo.





Faallooyin