Jubbaland oo sheegtay in Sarkaal sare oo Shabaab ahaa lagu dilay duqayntii Jilib

Jubbaland ayaa waxay si kooban uga hadashay weerar dhinaca cirka ahaa oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Jubbaland ayaa wuxuu sheegay in duqayntaasi lagu dilay mid ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa ee Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu cadeeyay in duqaynta ay u dhacday sidii loogu talagalay, laguna dilay ciddii uu bartilmaameedku ahaa.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wararka ay ka helayaan Degmada Jilib ay xaqiijinayaan in duqaynta lagu dilay Sarkaalkii uu ujeedku ahaa in la beegsado.

Inkastoo aanu Afhayeenku sheegin magaca Sarkaalka lagu qaarajiyay duqayntaasi ayaa dhanka kale waxaa uu ku adkeystay in weerarkaasi lagu dilay ninkii loo socday.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegtay masuuliyadda duqayntan, waxayna sheegeen inay baarayaan khasaaraha Shabaab ka soo gaaray duqayntaasi.

Faallooyin