Wasiirka Maaliyadda oo maalintii labaad hortagay Golaha Aqalka Sare (SAWIRRO)

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa wuxuu maalintii labaad uu hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Golaha Aqalka Sare ayaa maanta ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare kuankii 19aad ee Kalfadhiga 6aad, ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi, uuna ku wehliyo Guddomiye Kuxigeenka 2aad Senator Mowlid Xuseen Guhaad.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 2aad ee Sharciga wax ka bedelka Iibka & Qandaraasyada Qaranka.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganaacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinta Hindise Sharciyeedkan.

Intaa ka dib ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan haw-wadeeno ka socday Wasaaradda ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare

Waxa la weeydiiyay su’aalo ku adaan akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka wax ka bedelka Iibka & Qandaraasyada Qaranka, wuxuuna ka jaawabay su'aalihii ay weeydiyeen Senatorada.

Ugu dambeen waxaa shirka soo xiray Guddomiye Kuxigeenka 2aad, Senator Mowlid Xuseen Guhaad oo shegay in doodda akhrinta 2aad ee Senatorada lagu soo daro sharciga.







Faallooyin