Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Amb. Donald Yamamoto

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa wuxuu maanta uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo Safiirka Mareykanka ee Somaliya ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka ee lagu wado inay qabsoomaan 2020/2021.

Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu Safiirka Mareykanka ee Somaliya uu la wadaagay aragtidooda ku aadan doorashooyinka dalka, waxaana uu xusay inay lagama maarmaan tahay in doorashooynka lagu qabto, xilligii loogu talagalay.

Shariifka oo ka hadlay waxyaabihii kulanka looga wada hadlay ayaa yiri “Waxaan uga mahadcelinay taageerada ay siiyaan Somaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda, sida Dowladda Dhexe, Dowlad Goboleedyada, Xisbiyada Siyaasadda."

Shariifka ayaa yiri “Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda, oo ay waajib tahay in doorasho la aado."

Faallooyin