Puntland oo dalacsiisay Sarkaal la nool xanuunka HIV aids

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dalacsiiyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland oo dhawaan sheegay xaaskiisa inay qaadsiisay xanuunka HIV Aids.

Dalacsiintaan ayaa wuxuu kaga dhawaaqay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Xaflad lagu xusaayay Maalinta Aids oo maanta ku beegan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xuska maalintani, Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdu soo saaridoonto xeerka xanuunkani, waxaana uu Kabtan Bashiir Cismaan Cawad oo kamid ah ciidanka Booliska Puntland, lana nool xanuunkani u dalacsiiyey.

“Waxaan maqlijirey berigii hore dadka oo faquuqa qofka qaba Qaaxada, beryo kadib waxaa cadaatay inaanu waxba ahayn, HIV-guna waa sidaas. Waxaan idiin sheegaynaa in qofka faquuqsameeya inaan u aqoonsandoono inuu yahay Dambiile go’aanna waan kasoo saaraynaa ka dowlad ahaan. Waxaan farayaa Hay’adda PAC inay caawiyaan qofkasta oo aan awoodin daawada inuu qaato, waxaan dhowaan soo saaraynaa xeerka lagu dhiqidoona xanuunkan. Waxaan faraya cid kasta oo shaqo kuleh inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qaba xanuunka. Waxaan hortiinao uu wacyi-geliyey” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shacabkii fadhiyay xaflada ayaa si wayn ugu farxay dalacsiinta loo sameeyay Sarkaalkaasi oo isagana sheegay inuu cafiyay gabadhii qaadsiisay xanuunka.

Faallooyin