Cabdiraxmaan Tuuryare oo ku baaqay Ciidamada Itoobiya inaysan fara-gelin Doorashooyinka Galmudug

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Xafiiska Madaxtooyada Galmudug ayaa wuxuu ku baaqay inaysan Ciidamada Itoobiya fara-gelinin Doorashooyinka Galmudug.

Ciidamada Militariga Itoobiya oo Khamiistii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay Siyaasiyiinta Galmudug iyo musharaxiinta qaarkood, kuwaa oo sheegay in magaalada loo keenay inay fara-geliyan doorashooyinka.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay inuu rajeynayo inaysan dhicin wixii ka dhacay Magaalada Baydhabo sanadkii hore, xilli loo diyaargaroobaayay Doorashada Madaxtinimada ee Koonfur Galbeed.

"Waxaan rajeynaynaa wixii Baydhabo ka dhacay oo kale inaysan dhicin, maxaa yeelay Baydhabo waxa khaladka samaynaayayba waxay ahaayeen ciidan.'' Ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.

Waxa uu intaa ku daray ''Ciidankaasi illaa iyo hadda lama kala cadayn inay Amisom ahaayeen iyo inay Itoobiyaan ahaayeen, inkastoo Itoobiyaanka Amisom ka tirsan inay ahaayeen loo badinaayo."

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta gudaha ayaa wuxuu yiri "Waxaan fahmayaa oo aan arkayaa inay walwal leeyihiin, ceebna ku yihiin Soomaalinimada.''

Musharaxiinta qaarkood oo sheegay inaysan ciidamadan ka tirsanayn hawlgalka Amisom, ayna yihiin ciidan ka soo gudbay xuduuda labada dal ayaa wuxuu Tuuryare yiri ''Sida ay saaxiibadey sheegayan haddii ay soo baxdo, waa walwal weyn, walwal keliya maahee wadankee ku tahay gaboodfal iyo ficil dowladnimadeyna ka dhan ah.''

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka dalka ee ugu amniga wanaagsan, dadka qaarkiina waxayba qabaan inaanay jirin baahi loo qabo Ciidamada Itoobiya oo ka jirta magaaladaasi.

Faallooyin