Kulamo siyaasadeed oo ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in kulamo siyaasadeed ay ka soconayan magaaladaasi, kuna aadan Doorashooyinka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya oo maalintii afaraad ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu ka wadaa kulamo uu ku xoojinayo inay qabsoomaan Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Galmudug.

Wasiirka oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka reer Galmudug qaarkood ayaa wuxuu ugu baaqay inay ka qayb qaataan dadaalada soconaya, ee ay dowladdu ku dooneyso inay ku soo dhisto maamul cusub oo dadka deegaanka ay leeyihiin.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiir Sabriye uu xalay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Masuuliyiinta Ahlu Sunada Galmudug qaarkood, mana jirto cid faah faahin ka bixisay waxa ka soo baxay kulankaasi.

Dhanka kale Guddiga Doorashooyinka ayaa waxay iyaguna Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan kulamo ay ku dardar-gelinayan dhismaha Galmudug-ta cusub.

Xilli Dowladda Somaliya ay dadaal ugu jirto dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa dhanka kale isa soo taraaya eedeymaha xoogan ee dowladda loo jeedinayo, ee ku aadan inaanay daacad ka ahayn in la dhiso Galmudug loo dhan yahay.

Faallooyin