Dowladda oo fasaxday duulimaadyadii Muqdisho iyo Dhoobley

Dowladda Somaliya ayaa waxay fasaxday duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalada Muqdisho iyo Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Somaliya ayaa muddo ka dib qaaday xayiraaddii saarneyd duulimaadyadii tooska ahaa ee taggi jiray Dhoobley, tan iyo markii uu murunka ka dhashay doorashada marka labaad lagu soo doortay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Laanta Socdaalka Hawada ayaa waxay shirkadaha diyaaradaha rakaabka qaada ay ku wargelisay inay dib u bilaabi karaan duulimaadyadii ay ku taggi jireen Dhoobley.

Tani waxay ku soo aadaysaa, iyadoo roobab xoogan ay ka da'een Gobolada Koonfurta Somaliya, isla-markaana ay yaraadeen safaradii dhanka dhulka ee goboladaasi.

Faallooyin