Laba Nabadoon oo lagu xiray Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayan in Ciidamada Booliska Puntland ay maanta xabsiga u taxaabeen Laba ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Nabadoonadan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, waxaana lagu xiray mid ka mid ah xarumaha laamaha amniga ku leeyihiin Magaalada Boosaaso.

Xariga Odayaasha Dhaqanka ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii ay shalay Puntland ku dhaliileen in ay heshiisyo la gashay Dowladda Emirate-ka Carabta.

Odayaashan ayaa waxay saluug ka muujiyeen heshiiska shirkaddda DP World iyo Garoonka Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad kale oo laga leeyahay dalkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Booliska, Maamulka Puntland iyo kan Gobolka Bari ayaan ka hadlin xariga labadaasi oday loogu gaystay Magaalada Boosaaso.

Faallooyin