Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (SAWIRRO)

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Kuxigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

2.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha.

3.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.Waxaa Ogaalada 28 senatar, waxaa diiday 1 Senatar, Cid ka amuustay majirto.

Kulankan maanta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo codsaday in la meelmariyo.

Ugu dambeen waxa shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.








Faallooyin