Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhulbixinta (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in muddo 30 sano ah kaddib dib loo dhisayo Xaruntan, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay xarummo ku mel gaar ah ku shaqeynaayeen Laanta Gaadiidka iyo Dhulbixinta ee Dowladda Hoose.

“Muddadii la soo dhaafay, waxaan xoogga saareynay in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, kuwaas oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan bulshada Caasimadda oo si wadajir ah ugu istaagay dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada barnaamijyada isxilqaan ee socda.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho

Duqa Muqdisho wuuxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyin Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta ay qayb ka tahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee sanadkan oo lagu soo celinayo xarummo dowladood, goobo nasasho iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muhiim u ah horumarka Caasimadda.







Faallooyin