Ninkii dilay General Yuusuf Cagey oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay gacanta ku dhigeen ninkii galabta Magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee General Yuusuf Cali Qasaaye (Yuusuf Cagey) oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

General Yuusuf Cali Qasaaye ayaa waxaa lagu dilay hoygiisa oo ku yaala xaafadda Warshadda Caanaha ee Degmada Hodan.

Wararka ayaa waxay sheegayan in ninka dilka gaystay uu ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, inkastoo aanay weli taasi xaqiijin Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ninka dilka gaystay ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Xoogga Dalka, oo ka ag-dhawaa goobtii lagu dilay General Cagey.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay iminka ninkaasi ku hayaan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan dilka General Yuusuf Cagey.

Faallooyin