Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shir ka yeeshay Doorashooyinka Somaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Khamiistii kulan ka yeeshay Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliya, oo 2020/2021 lagu wado in ay dalka ka qabsoomaan.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo ku shiray Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobey ayaa waxaa ka hadlay dhinacyo kala duwan, kuwaa oo kulankaasi ku faaqiday Arrimaha Doorashooyinka Somaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan ayaa ku dheeraaday sida ay Somaliya muhiim ugu tahay in doorashooyinka ku qabsoomaan waqtigii loo muddeeyay.

Waxaa uu sheegay ka hor inta aan la gaarin xilliga doorashooyinka loo baahan yahay in Baarlamaanka Somaliya uu ansixiyo Sharciga Doorashooyinka, isla-markaana uu meelmariyo wax bedelka Sharciga Xisbiyada Siyaasadda. Wuxuu intaa ku daray in Baarlamaanka looga baahan yahay in ay shaqadaasi qabtaan, inta aanay dhammaan bisha soo socoto ee December.

Isagoo ka hadlayay dareenka dadka qaarkii ka qabaan dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka Somaliya ayuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga hortaggo wax kasta oo keeni kara dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Xubnihii kale ee kulanka ka hadlay ayaa waxay kulankaasi ka sheegeen sida ay Somaliya muhiim ugu tahay in ay ka shaqayso, sidii ay doorashooyinka ugu qabsoomi lahaayen xilligooda.

Faallooyin