Duqa Muqdisho: Cayaaruhu waa astaan nabadeed (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Khamiistii soo xiray Koobka General Daa’uud Cabdulle Xersi, oo dhammaadkiisa ay ku tartameen labada kooxood ee kala ah Horseed iyo Muqdisho City Club.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhammaadka cayaarta koobka guddoonsiiyey kooxda Horseed ee guushu raacday, uguna hambalyeeyay guusha ay gaareen, isagoo dadaalkooda ku boggaadiyay kooxda kaalinta labaad gashay ee Muqdisho City Club.

Cumar Filish ayaa sheegay in cayaaruhu ay yihiin astaan nabadeed oo da’yartu uga qeyb qaadanayaan isdhexgalka bulshada, gaar ahaan ammaanka iyo xasilloonida Caasimadda, maadaama ay udub-dhexaad u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Tartan Cayaareedkan xiisaha badan ee koobka Jeneraal Da’uud waxuu ka tarjumayaa qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Waana isku imaatin ay bulshadu isku xogwareysanayso, maamulka Gobolka Banaadir na wuxuu dhiirigelinayaa garabna taagan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa tartamada noocaan oo kale ah.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdishoayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu hormuud ka yahay adeegsiga cayaaraha, si bulshada la iskugu xiro, door weyna uga qaataan nabadda iyo isku-xirnaantooda.







Faallooyin