Laba nin oo lagu gowracay deegaanka Muuri ee duleedka Degmada Afgooye

Laba nin ayaa waxaa xalay si naxariis darro ah loogu dilay deegaanka Muuri oo 15km u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Bulshada ku dhaqan deegaanka Muuri ayaa waxay saakay ku soo toostay meydadka labadaasi nin oo wadada yaala, qoortoodana la dulsaaray jirka intiisa kale.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Muuri ayaa argagax ka muujiyay falkaasi foosha xun ee labadaasi nin lagula kacay, xilli aanay dadku garanayn waxa ay raggaasi ahaayeen.

Maxamed Abuukar oo ka mid ah bulshada ku dhaqan deegaanka Muuri ayaa sheegay in uu ku cusub yahay muuqaalka labadaasi nin, isla-markaana aanay garanayn sababtii loo dilay.

Maxamed Abuukar ayaa xusay in dadka deegaanka ay aad u hadalhayan falka lagu gowracay labadaasi nin.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan weli ka hadlin dhacdada laga soo wariyay deegaanka Muuri.

Faallooyin