Weerar dhinaca cirka oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

Weerarkan ayaa waxaa uu gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Diyaarad dagaal ayaa laba gantaal oo is xig xigay ku dhufatay afaafka hore ee deegaanka Kuunyo Barrow, iyadoona uu bartilmaameedku u muuqday maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo halkaasi ka arrimiya.

Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen barraha Internet-yada ee afkooda ku hadlay waxay ku sheegeen in duqayntaasi uu ku dhintay nin ganacsade ah, oo magaciisa ay ku soo koobeen Ismaaciil.

Shabaabka ayaa waxay qoraalkan ku muujiyeen inaanay jirin cid kale oo waxyeelo ka soo gaartay duqayntaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, balse diyaaradaha Mareykanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dalka ka waday duqaymo ka dhan ah Ururada Al Shabaab iyo Daacish.

Mareykanka ayaa dardargeliyay duqaymaha ka dhanka ah ururadaasi, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Donald Trump.

Faallooyin