Ciidanka Amniga Soomaaliland oo caawa lagu arkayo qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa

Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa caawa la wareegay xarunta xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ku leeyahay magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen saxafiyiinta Universal.


Dhanka kale ciidanka Amniga ayaa xabsiga dhigay Afhayeenka xisbiga mr Barkhad Jaamac Batuun kadib markii uu iclaamiyay banaanbax ka dhan ah xukuumada Soomaaliland, waxaana caawa magaalada lagu arkayaa ciidan xoogan.


Shacabka magaalada ayaa caawa dhagta u taagaya talaabada xigta oo dhici doonta kadib baaqa ka soo baxay gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro.


Shir jaraa,id oo saacado ka hor uu qabtay taliyaha ciidanka booliska Maxamed Aadan Saqadhi Dabo-gale ayuu uga digay taageerayaasha iyo madaxda xisbiga in ay dhigaan dibadbax aan sharci Aheyn.

Faallooyin