Xasan Cabdulqaadir Muudey oo la kulmay Safiirka Britain ee Somaliya (SAWIRRO)

Xasan Cabdulqaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii la kulmay Safiirka Britain u fadhiya dalka Somaliya, Amb. Ben Fender Obe.

Safiirka Britain ee Somaliya ayaa dhismaha safaaradda ku casuumay La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa sheegay in Safiirka ay yeesheen kulan waqti dheer qaatay, kaasoo sida uu sheegay ay uga wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin fatahaadaha xilligan ka jira qaybo ka mid ah Hirshabelle.

"Waxaan kulan saacado qaatay yeelanay Safiirka UK u qaabilsan Somaliya, Amb. Ben Fender, waxaan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid tahay fatahaadda ka dhacday qaybo ka mida Deegaanada Hirshabelle State." Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey.

Waxaa kaloo uu yiri "Waxaan aad uga wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen dhibaatooyinka soo noq noqday oo ay ugu horeeyaan fatahaadaha Webiga Shabelle, sanadkasta waxyeelada uu nagu yeesho iyo doorka ay Boqortooyada UK ka qaadan karto."

Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa sidoo kale ku waramaya in Safiirka Britain ee Somaliya uu kala hadlay, sidii ay dowladiisa gacan uga gaysan laheyd tababarada kor loogu qaadayo xirfadda Wariye-yaasha.

"Waxaan sidoo kale ka sheekeysanay Amb. Ben sidii gacan naloogu siin lahaa tababaridda iyo caawinta Saxafiyiinteena, si ay u helaan kororsi xirfadaha ay ugu shaqeeyaan dadkooda iyo deegaanndooduba." Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir.

Muudey ayaa kaga mahadceliyay Safiirka sida quruxda badan ee uu ugu casuumay Safaaradooda Magaalada Muqdisho, waxaana uu yiri "Amb Ben waxaan uga mahadnaqayaa sida qiimaha badan uu iigu casuumay Safaaradda uu isaga wakiilka uga yahay dalkiisa Britain."








Faallooyin