Dowladda Somaliya oo xil u magacawday wiil uu dhalay Eng. Yariisow

Dowladda Somaliya ayaa waxay xil u magacawday wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa wareegto uu soo saaray Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ugu magacaabay Xoghayaha Koobaad ee Ergada Somaliya ee Qaramada Midoobey.

Wareegtada ayaa dhinacyada ay khuseyso lagu wargeliyay magacaabista Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa la faray in si hufan, daacadnimo iyo hawlkarnimo ah uu u guto xilka loo igmaday.



Faallooyin