Ciidanka Amniga Itoobiya oo boqolaal ruux ku xiray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa

Inkabadan 400 oo ruux ayaa lagu xiray dalka Itoobiya kuwaasi oo lagu hayo baaritaano la xiriira kicinta rabshado ku saleysan dhanka diimaha iyo qowmiyadaha kaasi oo ay ku dhinteen 78 ruux todobaadkii la soo Dhaafay.


Afrintaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay khamiista maanta ah afhayeenka ra'isul wasaaraha Itoobiya mr Abiye Axmed.


Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay 23-dii bishan November magaalada caasimada ah ee Adiss Ababa iyo gobolka Oromia.


Siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda gobolka Oromia ayaa ku eedeeyay in ciidanka amniga ay abaabulayaan weeraro ka dhan ah isaga, taasi oo keentay kacdoon ka dhan ah Dowlada.


Ra'isul wasaare Abiye Axmed ayaa wacad ku maray in cadaalada ay la tiigsan doonaan kuwii ka danbeeyay rabshadaha ay todobaadkii hore dadka ku Dhinteen.

Afhayeenka xafiiska ra'isul wasaaraha Itoobiya Mr Billene Seyoum ayaa dhanka kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan xariga shaqsiyaadka lagu tuhmayo rabshadihii todobaadkii Hore.

Faallooyin