Hawlgal Shabaab lagu qab qabtay oo laga sameeyay Gobolka Shabellaha Dhexe

Hawlgal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxaa laga sameeyay qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhee, iyadoona gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan maleeshiyadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Booliska ee Maamulka Hirshabelle ayaa la sheegay in hawlgal muddo laba maalmood qaatay ay ka sameeyeen tuulooyinka hoos-yimaada Jowhar iyo Balcad.

Xasan C/qaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in hawlgalka uu ahaa mid ay si wadajira u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Hirshabelle.

"Guul ayay noogu soo dhammaatay hawlgalo ay Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Booliska Hirshabelle ka sameeyeen Magaalada Jowhar, tuulooyinka hoos-yimaada illaa tuulooyinka kale ee hoos-tagga Degmada Balcad. Hawlgalada oo muddo laba maalmood qaatay ayaa ahaa mid lagu baacsanaayo maleeshiyada Shabaab ee ka soo hayaamay Gobolka Shabellaha Hoose. Gulufkii ay Ciidanka Xoogga Dalka qaybahooda kala duwan ku qaadeen gobolkaasi ayaa sababtay in ay soo aadaan Gobolka Shabellaha Dhexe." Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Xasan C/qaadir Muudey ayaa yiri "Ciidamadeena oo taasi ka jawaabaya ayaa waxay hawlgalada ku soo qab qabteen dad fara-badan oo ay ku jiraan ugu yaraan toban ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo hadda ku jira gacanta laamaha amniga."

Sida uu sheegay Xasan C/qaadir waxaa hawlgalkan hormuud u ahaa Taliyaha Booliska Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana uu yiri "Hawlgalada guuleystay ee ka dhanka ahaa Khawaariijta ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Korneyl Xasan Dhicisow iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan."

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin inay gaaraan goob kasta oo laga soo sheego in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab.

"Ciidamada waxay markasta diyaar u yihiin inay sii wadaan hawlgalada kooxaha nabadiidka looga sifeynayo Gobolka Shabellaha Dhexe, meel kasta oo lagu soo sheegana waxay diyaar u yihiin inay ku baxaan." Ayuu yiri Muudey.

Muudey ayaa dhanka kale Dowladda Somaliya ku eedeeyay qorshe xumida ay ku weerartay Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose uu keenay in ay u soo wareegaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

"Dowladda Federaalka ayaan qorshe dhameystiran u dejin labada Shabelle oo argagixisada si wadajir ah looga wada saarayo, taasoo sababtay inay fursad u hellaan in ay soo gaaraan Gobolka Shabellaha Dhexe." Ayuu sii raaciyay Muudey.

Faallooyin