Turkiga oo sheegay in aysan joojin doonin weerarka ay ku qaadeen kurdiyiinta Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Ankara aysan dib uga laaban doonin weerarka ay ku qaaday maleeshiyada Kurdida ee ku sugan waqooyiga Suuriya sababo la xiriira dhaleeceyn kaga imaaneysa dowlada Kale.

Mr Erdogan ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu qudbad ka jeedinayay shirka ganacsiga ee ka socda magaalada caasimada ah ee Baku ee wadanka Azerbaijan isniinta Maanta.

Wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada Milatariga ilaa laga adkaanayo kooxaha Argagixisada ee ku sugan Suuriya.


Ma qabno wax dareen ah iyo hanjabaad aan la kulmeyno waana sii wadi doonaa howsha aan bilownay ilaa inta aan dhameyneyno.

Faallooyin