Dahabshiil oo xariga ka jartay dhismaha ugu quruxda badan ee Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya, Abdiaziz Hassan Mohamed (Lafta gareen) iyo Maamulaha Dahabshiil group Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia, Hassan Abdi Awad ayaa xadhiga ka jaray Dhisme casriya oo ay shirkada dahabshil ka hirgelisay magaalada Baydhabo dhismahan ayaa noqonaya mid xarunta dhexe u noqon doona shirkada dahabshil group isla-markaan laga heli doono adeegyada shirkadu bixiso.

Munaasabad balaaran oo lagu daahfuraayay Dhismaha Cusub oo ay Shirkadda Dahabshiil Group ayaa lagu qabtay Hoolka Ruun jinaat ee magalada baydhabo iyadoona ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Maamulka koonfur galbeed soomaaliya, maamulka dahabshiil group koonfurta iyo bartamaha soomaaliya, ganacsato, salaadiin, culamaa’u diin aqoonyahano haween iyo marti sharaf kale.

Ugu Horeyntii Waxaa Munaasabada Daahfuray Gudoomiyaha Dahabshiil Group Deegaanada Baay & Bakood Mudane: Ibrahiim Cali Cabdi Isagoo Bogaadiyaya Marti Sharaftii Ka Soo Qeyb-Gashay Munaasabada Waxa Uu Ku dheeraaday Ahmiyada Dahabshiil Group Dadka & Deegaanka Koonfur Galbeed Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Maamulaha guud Dahabshil group ee konfurta iyo badhtamaha Somalia Hassan Abdi Awad isagoona sheegay in shirkaduna jeceshahay reer koonfur galbeed Iyana ay na jecelyihiin ayna shirkadu u keeni doonto adeegyo technology oo casri oo uu ka mid yahay Xadhiga Internetka xawaaraha sare Fiber Optic.

Waxaa sidoo kale ka sheekeeyay adeegyada ay u keenen reer koonfur galbeed maamulaha guud ee koonfurta iyo badhtamaha ee isgaadhsiinta somtel Abdirahman Isak sida Internetki xawaare sare leh 4g+ oo qiimo jabana iyo adeegyada kale muhiimka sida kuhadalkii eDahab sidoo kale
Maamulaha Dahabshil Bank international Osman halane ayaa ugu bishaareeyay ganacsatada in KGS bank u maalgelin doono ganacsiga waawayn iyo kuwa yar yarba iyagoo loo simanyahay. Horeyna uu umaalgeliyay hadana lasii laban laabi doono.

Wasiirka Maaliyada KGS ayaa shirkada dahabshil uga mahadceliyay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ay kusoo kordhisay deegaanada koonfur galbeed iyo guud ahaan Somalia.

Waxaa isna xaflada ka hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Abdikadir Shariif Sheekuna maye oo ku dheeraday dedaalada ay ku hogaaminayso horumarka KGS iyo maalgelinta ay ku bixisay ee ay kor ugu qaaadayso ganacsiga deegaanada KGS.

Ugu dambeen waxaa xafalada ka hadlay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ABDIAZIZ Lafta-gareen oo Dahabshiil uga mahadceliyay in Baydhabo ka dhistay gurigii ugu quruxda badnaa isagoona sidookale soo dhaweeyay maalgelinta uu bank dahabshil ka sameeyay deegaanada KGS ee isugu jira maalgelinta waawayn iyo kuwa yar yar micro finance oo lagu korinayo ganacsatada.






Faallooyin