Maxamuud Sayid Aadan: Dowladda sharuudo ayay ku xirtay sii deynta Wasiir Janan

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay sharuudo ku xirtay sii deynta Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo ku xiran Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay in odayaal, aqoonyahano iyo ganacsato u tagtey Dowladda Somaliya, si ay uga hadlaan xariga Wasiirka ay kala kulmeen sharuudo.

Wuxuu sheegay in dowladda ay sharuudahan miiska soo saartay, ka dib markii ay dhinacyadaasi ka codsadeen in dib xoriyadiisa loogu soo celiyo Wasiirka Amniga Jubbaland, oo 12 maalmood ku xiran Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa yiri "Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland soo wareejiya, dowladaha deriska ha la macaamilina iyo Jubbaland doorashadeedii ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay."

Isagoo la hadlayay BBC ayuu ka dhawaajiyay in sharuudaha ay dowladdu ku xirtay xariga Wasiirka aanay ahayn kuwo la aqbali karo, sida uu yiri.

Mar uu ka hadlayay sida ay uga walaacsan yihiin xaaladda uu Wasiir Janan ku sugan yahay ayuu yiri "Runtii C/rashiid aad baan uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo muddo 30 daqiiqo ah habeen saq dhexe ay tuseen."

Madaxda Dowladda Somaliya ayaan si rasmi ah u cadayin waxa lagu haysto Wasiir Janan, marka laga soo taggo Saraakiil Booliska ka tirsan oo sheegay in lagu haysto gabood falo uu kula kacay dad rayid ah.

Faallooyin