Odayaal ka socday Jubbaland oo Farmaajo kala hadlay xariga Wasiir Janan

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa habeenkii Talaadada Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, kuwaa oo kala hadlay xariga Wasiirka Amniga Jubbaland.

Odayaashan ayaa waxay Madaxweynaha Somaliya ka codsadeen in xoriyadiisa dib loo siiyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo Dowladda Somaliya 31-kii bishii August ay ku xirtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoon Idiris Aadan Nuur oo ka mid ah xubnaha la kulmay Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu ka biyo diiday in xabsiga laga sii daayo Wasiirka, maadaama sida uu sheegay ay hay'ado caalami ahi ku dhegan yihiin.

"Wuxuu Madaxweynuhu nagu yiri hay'ado caalami ah iyo dad ayaa dacweynaya, sidaas awgeed lama sii deyn karo, sharciga ayaana loo bandhigaya." Ayuu yiri Nabadoon Idiris Aadan Nuur .

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri  "Wuxuu yiri Madaxweynuhu anagu waxaan samayn karnaa oo keliya inaanan ninkaasi cadaalad-darro lagu samaynin, in si cadaalad ah arrintiisa loo galo, sidaasaa samayn karnaa, laakiin sii deyn malaha."

Nabadoon Idiris Aadan Nuur ayaa qaba in Dowladda Federaalka Somaliya ay siyaasadeynayso xariga Wasiir Janan, maadaama kol hore ay Maxkamadda Gobolka Banaadir beenisay eedeymihii loo haystay.

"Caqli ahaan iyo maskax ahaan anaga waxay noola muuqatay arrimo siyaasadeysan inay tahay, sababtoo ah hadda ka hor waxaan arkeynay Maxkadda Gobolka Banaadir oo kiisaska hadda lagu eedeynayo daaqadda ka tuurtay oo arrintaas beenisay." Ayuu yiri Nabadoon Idiris Aadan Nuur  oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

Tallaabada lagu xiray Wasiir Janan ayay dad badani u arkaan mid salka ku haysa khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Maamulka Jubbaland.

Faallooyin