Khayre oo ballanqaad u sameeyay shacabka reer Xudur (SAWIRRO)

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa la hadlay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Xudur oo isugu soo baxay Garoonka kubadda cagta ee Dr. Waaberi ayuu kula hadlay Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Ra'iisal Wasaraha Somaliya ayaa maamulka iyo shacabka reer Xudur kaga mahadceliyay sida diiran, ee ay maanta ugu soo dhaweeyen Xarunta Gobolka Bakool ee Magaalada Xudur.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa shacabka reer Xudur ku ammaanay sida ay meel amni ah uga dhigeen Magaalada Xudur, isla-markaana ay halmeel uga soo wada jeesteen maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa Garoonka Dr. Waaberi kaga dhawaaqay mashaariic horumarineed oo xukiuumadda ay ka fulineyso Magaalada Xudur. Mashaariicdan ayuu ballanqaaday in ay qayb ka noqon doonto casriyeen ay ku samayn doonaan Garoonka Dr. Waaberi.

Ra'iisal Wasaare Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Xudur waxaa uu kulamo kula qaadan doonnaa Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.









Faallooyin