Madaxweyne Waare oo ku dhawaaqay howlgal lagu furayo wadooyinka xiran

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa Xerada Ciidamada Amisom gaar ahaan tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad Qada Sharaf ah oo ay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada Gole ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida qeybihiisa Kale duwan.

Madaxweynaha Hirshabelle oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta Muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la isku furo wadooyinka  kala xiran ee go’doonka ugu jira cadowga Argagaxisada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo sii hadlaayay ayaa hoosta ka xariiqay inta Soomaaliya amaankiisu uusan hagaagsaneyn in Geeska Africa aysan nabad noqoneyn taa bedelkeedana Ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan Gobolka uu hagaagay.

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay Wadamada qeybta ka ah Ciidamada Amisom ee naftooda noo huray in Amni aan ku naaloono, si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana Madaxweynuhu  carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka Kala xiran ee go’doonka ku jira.

Ugu dambeen Madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay Xubnaha Maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan Wadashaqeynta maamulka iyo Amisom.

 





Faallooyin