Khayre oo maanta gaaray Magaalada Xudur

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa wuxuu goor dhow gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Somaliya oo ka amba baxay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa si qurux badan loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Xudur.

Soo dhawaynta wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay lagu waday in uu gaaro Magaalada Xudur ayaa uga baaqday arrimo aan la shaacin.

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Amisom ayaa adkeeyay amniga guud ee Magaalada Xudur, waxayna hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Faallooyin