Ugaas Xasan oo ka hadlay sababta ay u diideen in ciidanka laga kaxeeyo Beledweyne, lana geeyo Dhuusamareeb

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ka hadlay sababta ay odayaasha uga horyimaadeen in ciidankaasi laga kaxeeyo Magaalada Beledweyne, lana geeyo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dowladda ayaa mar sii horeysay waxay dalbatay in ciidan ku sugan Magaalada Beledweyne laga saaro, lana geeyo Gobolka Galgaduud. Ciidankaasi oo bilaa hub ah ayay dowladdu sheegtay in ay iyadu siineyso wixii qalab ah, ee ay u baahan yihiin.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa sheegay inaanay iyagu diidin ciidan dowladeed, balse ay ka horyimaadeen wiilal bilaa dareys iyo hub ah in la geeyo Magaalada Dhuusamareeb.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa tilmaamay inaanay iminka garanayn waxa ay dowladdu ka damacsan tahay ciidankaasi, maadaama sida uu sheegay ay dowladdu dayacday.

Ugaas Xasan ayaa waxa uu Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay joojiso culeyska ay ku hayso shacabka reer Beledweyne, sida uu yiri.

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin jawaabta ay Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan ka bixiyeen ciidamadii ay dooneysay in loo daabulo dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

Faallooyin