Khayre oo maanta ku wajahan Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa uu maanta ku wajahan yahay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya oo Sabtidii gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa waxaa lagu wadaa in uu booqdo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxay isu diyaarinayan safarkooda xigga ee Magaalada Xudur, iyadoo la soo sheegayo in amniga magaaladaasi aad loo adkeeyay.

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Xudur ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka ku yaala magaaladaasi, waxayna yareeyeen dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya ka hor inta aanu Ra'iisal Wasaare Khayre gaarin Magaalada Xudur ayaa waxaa magaaladaasi taggi doono wafdi horudhac u ah booqashada Ra'iisal Wasaaraha, kuwaa oo diyaarinaya soo dhawaynta Ra'iisal Wasasaraha.

Ra'iisal Wasaare Khayre ayaa deegaanada Koonfur Galbeed ka hirgelinaya mashaariic ay xukuumaddu ugu tala-gashay in lagu horumariyo.

Faallooyin