Khaye oo $150,000 ugu deeqay dhalinyarada Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay $150,000 oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Abuub ee magaalada Baydhabo. Deeqdan waa mid ay xukuumaddu ugu talagashay dhalinta reer Baydhabo.

Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol.

Wasiirka Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deegay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Beydhabo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalin kahor, isaga oo la hadlaya kumannaan ka tirsan bulshada Baydhabo waxaa uu ballaanqaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhalinyaradu ay u helaan fursad ay ku horumariyaan xirfaddooda ciyaareed.

Faallooyin