Khayre oo shir guddoomiyay Golaha Wasiirada K/Galbeed (SAWIRRO)

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir guddoomiyay Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed, kulan ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay in ku shaqeynta tubaha ay qayb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo mustaqbalka, loona baahan yahay in wadajir looga howl-galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka u ah u adeegidda Bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee Qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka Bulshadu ay leeyihiin.

Ra’iisal Wasaaraha oo Golaha Wasiirada u sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dhageysiga Bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee Shacabka lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaad iyo waxbarasho tayo sare leh oo Lacag la’aan ah.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay wax qabadka ballaaran ee maamulkiisu qabtay intii uu xilka hayay iyo sida uu tusaalaha wanaagsan ugu yahay wada-shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobaleedyada Dalka.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa intaa ka dib kormeeray qaar kamid ah wasaaradaha  iyo Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna howl wadeennada wasaaradaha ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan shaqada loogu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.







Faallooyin